Taliska millateriga ee kooxda Al-Shabaab ayaa goor dhawayd soo saaray warsaxaafadeed uu ku faahfaahiyey khasaaraha ilaa hadda ay xaqiijiyeen ee ka dhashay weerarkii maalin ka hor ka dhacay nawaaxiga Jameeco ee duleedka magaalada Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Warsaxaafadeedka ayay kooxdu ku sheegtay in ilaa hadda ay xaqiijiyeen in tirada dhimashada ee soo gaartay ciidamada dowladda federaalku ay gaarayso ugu yaraan 413 askari, halka dhaawacyadana ay sheegtay in intaasi ay ka badan yihiin.
Sida lagu xusay bayaanka, askarta geeriyootay waxaa ka mid ah saraakiil muhiim ah, halkan geesta kalena ay jiraan askar maxaabiis ah oo nolosha lagu qabtay, kuwaas oo isgu jira kuwo gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacan iyo kuwo kale oo bad-qaba.
"Waxa kale oo gacanta lagu dhigay inta badan gaadiidkii ay wateen kolonyada ciidanka dowladda oo ay ku jiraan gaadiid gaashaaman oo uu Turkigu siiyay, ayna kamid yihiin gawaari tikniko ah iyo gaadiid xamuul ah oo ay ku raranyihiin sahay aad u xooggan. Waxaa intaas sii dheer hub iyo saanad farabadan oo dagaalkaasi lagu soo furtay…” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale bayaanka, waxaa lagu sheegay in ciidamada dowladda federaalku ay gebi ahaanba isaga carareen goobihii ay duullaanka ku yimaadeen, isla markaana uu firxadkoodu filiqsan yahay saldhigga Balidoogle ilaa caasimadda Muqdisho.
Warsaxaafadeedkan oo qaybihiisa dambe uu ku jiro baaq ay kooxdu u dirtay ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:
"FAAHFAAHIN: "413 MURTAD OO LAGU DILAY HAWLGALKII JAMEECO”
17 Jamadul-Awwal 1448 H (28 Oktoobar 2026)
Ciidamada Mujaahidiintu waxay galabnimadii Isniinta ee la soo dhaafay, taariikhdu ahayd 15 Jamadul-Awwal 1448 H (26 Oktoobar 2026), dagaal culus kala hortageen maleeshiyaad murtadiin ah oo ay galbinayeen diyaaradaha cadawga Turkida, kuwaas oo duullaan ku soo qaadaydeegaanada lagu maamulo shareecada Islaamka ee Wilaayada Shabeellada Hoose.
Maleeshiyada murtadiinta ah oo tiro ahaan gaaraysay 2,000 (Laba kun) oo askari, kuna hubaysnaa 110 (boqol iyo toban) gaadiidka dagaalka, ayay ciidamada Mujaahidiintu ku beegsadeen nawaaxiga deegaanka Jameeco ee dhaca duleedka magaalada Leego, Wilaayada Shabeellada Hoose.
Dagaalka waxaa qayb ka ahaa diyaaradaha cadawga Turkida ee F-16 iyo daroonis, kuwaas oo isku deyay inay gurmad siiyaan maleeshiyada dabadhilifyada u ah. Dagaal socday muddo saddex saacadood ka badan ayaa si ba’an loogu xasuuqay cadawgii murtadiinta ahaa, waxayna u qaybsameen wax la dilay, wax la dhaawacay, wax la qabtay, iyo wax duurka ku cararay.
Mujaahidiinta ayaa sii waday baacsiga firxadka murtadiinta, waxaana sifayn socotay muddo 48 (Afartan iyo saacadood) ah kadib la soo afjaray hawlgalkii Jameeco. Dhimashada ilaa hada la xaqiijiyay ee murtadiinta gaartay waa 413 lagu dilay dagaalka iyo dhaawac intaas ka badan.
Cadawga lagu dilay hawlgalka waxa kamid ah saraakiil muhiim u ah dagaalka ashahaado la dirirnimada ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu ku soo qaadeen umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah. Waxaa sidoo kale jira maleeshiyaat maxaabiis ah oo laga qabtay cadawga, kuwaas oo iskugu jira qaar dhaawac ah iyo kuwo bad-qaba.
Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay inta badan gaadiidkii ay wateen kolonyada murtadiinta oo ay ku jiraan gaadiid gaashaaman oo uu cadawga Turkigu siiyay maleeshiyada murtadiinta ah, ayna kamid yihiin gawaari tikniko ah iyo gaadiid xamuul ah oo ay ku raranyihiin sahay aad u xooggan. Waxaa intaas sii dheer hub iyo saanad farabadan oo ay Mujaahidiintu ku qaniimeysteen dagaalka.
Cadawga ashahaado la dirirka ah ayaa gabi ahaan ka cararay goobihii ay duullaanka ku yimaadeen, waxuuna firxadkooda filiqsanyahay Balidoogle ilaa Muqdisho. Taliska ciidamada Mujaahidiitu wuxuu u mahad celinayaa Allaah – Subxaanahu Watacalaa- kadibna wuxuu bogaadinayaa geesiyada Tawxiidka ee dhabarka ka jebiyay dhagartii cadawga, dhiigoodana ku difaacay shareecada Islaamka.
Mujaahidiintu waxay mar kale baaq tawbad-keen ah u dirayaan maleeshiyaadka murtadiinta ah ee dabadhilifyada u ah cadawga saliibiga ah iyo cilmaaniyiinta Turkida ah ee caddaystay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed iyo boobka khayraadka dalka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysaa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhammaan dhulalka Muslimiinta ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah.
Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah illaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso."
